Home Af Soomaali RW Xasan Kheyre iyo Shariif Xasan oo ku jira rafasho siyaasadeed sidii...

RW Xasan Kheyre iyo Shariif Xasan oo ku jira rafasho siyaasadeed sidii aay…

188
0
SHARE
Xildhibaanadii golaha wasiirada oo kulan ku yeeshay Hotel SYL

Waxaa hotel SYL isugu yimid tiro xildhibaano ah oo lagu sheegay 195 xildhibaan, waxaana xaflada soo abaabulay RW Xasan Cali Kheyre iyo golahiisa wasiirada, waxaana qarashka bixiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Wariyaha Muqdisho Online ayaa warbixintaan ka soo diray gudaha hoolka aay xafladda ka socoto
“Ugu horreyn waxaa xafladda soo buux dhaafiyay dad aan ku qiyaasay ilaa 190 qofood oo intooda badan aay yihiin xildhibaano ka tirsan golaha wasiirada. Tirada xildhibaan ee aan arkay waa ilaa 54 xildhibaan, waxaana goobta kusugan dad shacab ah oo haween iyo dhalinyaro u badan.

Mar aan wax ka weydiiyay dadkii shacabka ahaa cidda ku casuuntay kulanka waxaa badankooda aa ii sheegeen in Wasiirka Dhalinyarada Khadiijo Maxamed Diiriye aay ku casuuntay kulanka. Waxaa kale oo aan weydiiyay “Maadama aanad xildhibaan ahayn; kulankana uu yahay mid taageero loogu muujinaayo RW Kheyre. Maxaad uga soo qeyb gashay? Qof dumar ah oo aan su’aashaa weydiiyay ayaa iigu jawaabtay “Waxaan u camireynaa Wasiir Khadiijo si aanay ugu ceeboobin kulanka.

RW Xasan Cali Kheyre Shariif Xasan ayaa ku jira rafasho siyaasadeed iyagoo og in aanay heli karin 184 cod oo xilka uu ku waayo Guddoomiye Jawaari ayeey door bideen in aan ku handadaan tiro been ah isla markaana aay saxaafadda u mariyaan IS CASIL.

Sharif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa ku soo fool leh doorasha, halka uu ku haminaayo in uu muddo kororsi sameysto waxaana taa ka biyo diiday Guddoomiye Jawaar. Waxaa sidoo kale jira in RW Kheyre uu qeyb ka yahay heshiis uu Shariif Xasan la soo galay shirkadda lagu magacaabo FSG ee uu leeyahay ninka lagu magacaabo Erik Prince.

RW Kheyre iyo Erik Prince ayaa ku kulmay magaalada Abu Dhabi bishii Febraayo 28, 2018 waxaana aay kala saxiixdeen sidii loo dardar gelin lahaa heshiiska uu lagalay Shariif Xasan, waana halka uu RW Kheyre ka maagay Guddoomiye Jawaari.