Home Af Soomaali Maxamed Sh Cusman Jawaari oo Dalka u Tanasulay, muxuusa Ka yiri wixii...

Maxamed Sh Cusman Jawaari oo Dalka u Tanasulay, muxuusa Ka yiri wixii dhacay!!

232
0
SHARE

Guud waxaa la tanasulaa markaad guusha haysatid oo aad ogtahay inaad guuldarro lagu gayeysiin Karin walow ay adagathay in aad legeddo cidda kaa soo horjeeddo. Way adag tahay in barlamanka uu la dagaalo xukuumad isticmaaleysa dhamaan awoodaha qaran sida ciidanka, Maliyadda iyo balanqaadyada siyaasadeed. Waana sababta adkeyay in arrinkaan si caddaalad ah go’aan looga gaaro. MW ay ahayd uu garba siman u dhaxeeyaa ayaa ahaaba cidda dagaalka wadday.

Laakiin waxaa rabbi mahaddii ah in ay Somaliya maanta guuleysatay maadaama aynu leenahay shakhsiyaad Somalinimada la weyn tahay oo cadkooda diyaar uah inay qarankan uga tagaan. MOL waxay xuusuus-reebka taariihda marqaati uga dhigi doontaa in Mudane Maxamed Sheekh Cusman Jawari uu maalin loo bahan yahay qarankan ka badbaadiyey khater ka iman kartay koox aan gaarin heerkiisa garasho, kana hooseeya heerkiisa waddanimo waxaana tusaale kuugu filan erayadan oo ka horjeediyey Barlamaanka:

“Hor iyo horraan waxaan caddeynaya ma jiro maanta qof ama koox guuleystay ama laga guulaystay ee:

  • –  Waxaa guuleystay shacbiga Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan, oo fiiro dhow noo lahaa hadba sidaan u dhaqmeyno, una fulineyno xilka uu noo dhiibtay;
  • –  Waxaa guulaystay sarraynta sharciga iyo dhaqanka dimuqraaddiyadeed oo u horseedaya in nabad iyo xasilloni iyo codeyn ama kala roonaasho lagu kala wareejiyo xilalka siyaasiga ah lagu mattalaayo shacbiga, nidaamkaas oo dan u ah dawladnimada iyo danta guud ee muwaaddin kasto soomaaliyeed iyo dadweynaha ku nool Soomaaliya;
  • –  Waxaa guuleystay Golaha Shacabka oo asagoo isqab ah kulanka Golihiisa u wada dhan yahay, u wada goobjoog ah una diyaar ah inuu horey u gudagalo hawlihii loo igmaday;
  • –  Waxaa guuleystay Culumaa’uddiinka iyo caamada soomaaliyeed oo habeen iyo maalinba Qur’aan akhris, wardi, wacdi iyo wacyigelin u taagnaa, sujuudana ku Alla- bariyayey badbaadada dalkooda iyo dawladnimadooda;
  • –  Waxaa guuleystay dhallinyarada wiilal iyo gabdhoba leh, oo ah madaxdii berito, siiba ardayda Jaamacadaha iyo Dugsiyada Sare, ayagoo ku dhugaagsan akhrinta Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha, fasalladooda ama fasallada bannaankooda’

Akhriste halkaan ka akhriso dhamaan khudbaddii uu jeediyey guddoomiyihii golaha shacbiga ee ugu mudada dheeraa intii ka dambeysay dagaalladii sokeeye Mudane Maxamed Sh Cusman Jawari.